La Taliyaha Siyaasada Ee Madaxweynaha Abiib Timacad Oo Laga Celiyay
Irida Madaxtooyada Iyo Kala Qaybsanaanta Garabyada Siyaasadeed Ee Ku
Hirdamaya Gabiley ........
Hargeysa (TNN)_La taliyaha dhinaca siyaasada madaxweynaha Somaliland
Abiib Diiriye Nuur (Abiib-Tima cad) ayaa la sheegay in shalay
ilaalada madaxtooyadu dib uga celiyeen iridaka hore ee qasriga
madaxtoo yada, taas oo la sheegay inuu doonayay inuu ka qayb
galo kulanujeedadiisu ahayd in lagu xaliyo shaqaqa da Ceel-Bardaale
oo madaxweyne Siillaanyo uu kula lahaa madaxtooyada odayaasha iyo
masuliyiinta laba da beelood ee isku haysta deegaankaa Ceel-Bardaale
ee ka soo kala jeeda gobolada Gabiley iyo Awdal.
Sida ilo wareedyadu sheegayaan ayaa waxa la sheegay la taliyaha
siyaasada madaxweyne Siillaanyo Ab iib Diiriye Nuur oo ka mid ah
siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Gabiley markii laga celiyay
madaxtooyada waxa la sheegay in madaxweynaha kulan shira wada
lahaayeen Sheekh Maxamuud Sheekh Muxumed Ra age, Xildhibaan
Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale iyo Badhasaabka Gabiley Rashiid Sheekh
C/laahi (Rashiid-Xaraaro) oo la sheegay in lagaga wada hadlay sidii
loo soo afjari lahaa colaada ka soo noq noqonaysa dee gaanka
Ceel-Baraadle.
Ilo ku dhaw dhaw madaxtooyada ayaa noo sheegay in markii ciidanka
ilaalada madaxtooyadu hor istaage en la taliyaha siyaasada
Siillaanyo inuu dib iskaga soo laabtay, ilaa haddana ma jiro war
xaqiijinaya in am ar lagu siiyay ciidanka ilaalada madaxtooyada iyo
sababaha keenay in la celiyo, hase yeeshe waxaa loo ma laynayaa in
arrinkaasi la xidhiidho khilaaf u dhexeeya
isaga Badhasaabka gobolka Gabiley Rashiid Xaraaro inay isku
haystaan sida la xalinayo shaqaqada deegaanka Ceel-Bardaale iyo cida
gaadh wadeenka noqon aysa dhinaca ka soo jeeda beesha gobolka
Gabiley, Mr Abiib-Timacad oo ay jifo hoose isku yihiin ardaaga
beesha Gabiley ka soo jeeda ee ku doodaysa lahaanshaha deegaanka
Ceel-Bardeele, taas oo tibaaxuhu s heegeen in in maalimo dhawayd la
sheegay in Badhasaabka Gabiley Mr Rashiid -Xaraaro
iyo Abiib- Timacad in arrimaha Ceel-Bardaale xalinteeda ay isku
faro saareen,
iskuna adeegsadeen weedho kul kulul oo huw an
hanjabaado oo la xidhiidha cida loo dabo joogsanayo bud dhiga iyo ka
ariminta shaqaaqada Ceel-Bardaale.
Wax kale oo wararku intaa ku darayaan in khilaafka awoodeed ee ka
dhex taagan hogaaminta siyaasade ed ee gobolka Gabiley ee ka
dhex aloosan labadaa masuul uu dabada ku hayo sidoo kale hawshii
baadhista Hanti-dhawrka guud ee qaranku ka wadeen Gabiley, isla
markaana ku amreen in la soo qabto masuuliyiinta Musuqmaasuqa lagu
eedeeyay ay si weyn ugu kala qayb sameen masuuliyiin ka soo jeeda
gobalkaasi oo iyagu ku kala aragti duwan qabashada masuuliyiinta
eedaysan in xabsiga loo taxaabo, kuwaas oo aan ilaa hadda aanay
ciidamada Bilayska Gabiley aanay gacanta ku dhigin iyagoo ku sugan
magaalooyinka Gabiley iyo Wajaale.
Dhinaca kale ilo wareedyo ka ag dhaw qasriga madaxtooyada ayaa ayaa
Haatuf u xaqiijiyay in la taliyaha siyaasada ee madaxweynaha Abiib
Timacad ee madaxtooyada laga soo celiyay isaga iyo kooxda
odayaa sha ah ee garabkiisu ay shalay galab gurigiisa kula kulmeen
madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan C/laahi Saylici oo la sheegay in
kulankaasi ay kaga dalbadeen inuu madaxweynaha Axmed Maxamed
Maxamuud (Siillaanyo) la kulansiiyo, iyadoo sida tibaaxuhu
sheegayaana lagu sheegay inay cabasho la xidhiidha bad alkii
lagu sameeyay taliyaha qaybta Bilayska Gabiley
Maxamed Faarax Nuur oo sida la sheegay lagu tirina yay
garabka Abiib Timacad ay kala hadleen madaxweyne ku xigeenka sidii
dib loogu soo celin lahaa jaga diisii.
Source: wargayska Haatuf
|