Xukuumadda oo Xabsiga Dhigtay La Taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha siyaasada Abiib Timacad oo Loo Xidhay Dilkii foosha xumaa ee Ka dhacay Seemaal.


 


Masuulkan ayaa ka mid ah Masuuliyiin Suldaanka ugu da'da wayn Gobolka Awdal ku eedeeyay inuu ku lug lahaa arimaha dilkii Saameel ka dhacay  ......


 

Hargysa,6 Dec 2011 (TNN)-Xukuumadda Somaliland ayaa maanta Xabsiga Dhigay Lataliyha Ma dax weynaha ee Arrimaha Siyaasadda Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad), kaasi oo loo xidhay arintii Dilk ii foosha xumaa ee ka dhacay deegaanka seemaal.

Masuulkan oo noqonaya masuulkii ugu horeeyay ee Xukuumadda ka tirsan oo loo xidho Dilkii Waxsh inimada lahaa ee ka dhacay Deegaanka Seemaal, iyada xalayna la xidhay Odayaasha deegaanka G abiley ee sexeexay Heshiiskii Ceel-bardaale, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Arimaha gudaha Somalila nd.

Warar Lagu kalsoonyahay oo aanu helnay ayaa sheegaya in ay Xukuumaddu amar ku bixisay in la baadho La Taliyha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda , Abiib Diiriye Nuur Timacad, waxaana goor dhaweyd looga yeedhay xarunta CID-da in yar ka dibna waxaa lagu tuuray Sal dhiga yar ee ku yaala Xarunta CID-da.

Masuulkan ayaa ka mid ah Masuuliyiin Suldaanka ugu da'da wayn Gobolka Awdal ku eedeeyay inuu ku lug lahaa arimaha dilkii ka dhacay deegaanka Seemaal oo ka mid ah Deegaanka Ceel-b ardaale ee dirirtu ku dhex martay labada beelood ee walaalaha ah.

 

 


Timaacde News Desk
Hargeisa somaliland