Al-Shabaab oo sheegatay qaraxii Djibouti
Muqdisho (TNN):- Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay
ka dambeysay weerarka la gu qaadya maqaayad ku taallay Djibouti
habeenkii Sabtida, halkaas oo ay ku dhinteen ug u yaraan sadex qof.Laba ka mid ah dadka dhintay ayaa loo malaynayaa in ay yihiin kuwii
is qarxiyay.
Dhowr qof oo kale ayaa ku dhaawacmay, kuwaas oo qaar badan oo ka mid
ah ay ahaaye en afjnabi.Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay bar tilmaameed u ahaayeen quwadaha
Fara nsiis iyo reer galbeed kale sababo la xiriira falalka ay ka
gaystaan dalalka Muslim-ka ah ee Africa.
Waxaa kaloo al-Shabaab ay ku eedaysay Djibouti, oo ay ku yaallaan
tiro saldhigyo milita ry oo ajnabi uu leeyahay in ay u ogolaadeen
khuwado reer galbeed ah in ay dhulkaada ka weeraraan Muslimiinta.
Djibouti ayaa ciidamadeedu ka mid yihiin kuwa Midowga Africa ee
jooga Soomaaliya oo la dagaalamaya Al-Shabaab.
|