TIX GABAY OO BAROORDIIQ AH

 

 



Waxaan Tixdan Gaaban uga dhigay Baroordhiiq Muj/ C/Raxman C/Qaadir oo dhibaato ka soo gaadhay Ururkii iyo ciddii uu u dhaawacmay.
 

 

ABAAL NIN GALA

 

Abaal nin gala la arag

Guudkiisa ninkuu u raray

Gogiisa sariyo jidhkaba

Ninku gabiyada uga dhacay

Wuxuu garashiyo aqoon

Guyaal badan soo halgamay

Wuxuu garabkiyo ka jabay

Meelaan laga goosankarin.

******

Ninkii Tolow garan lahaa

Abaal gudistii yiqiin

Midhaa in laga goblamay

Hadeer gayigeena jirin

Nimaan kala garan gugiyo

Gabraar iyo maalin gabax

Inaan Dhirta qaar la goyn

Amaan Gudin loo dhawayn

Graacuna ceeb ka yahay.

******

Haddaan sii Gibil dhacoo

Garaadka Tolkay aqaan

Ninkii goohee cadhada

Markuu ciil meel la galo

Inuu sii daba galoo

Kalmado kala goynayiyo

Waliba godob iyo Colaad

Gafuur cadho nin law

Aday kugu gooni tahay

Gar diifliyo hadal xumaan

Ninaan Gobonimo lahayn

Ogoow waa gad lagu yaqaan.

******

Guunbaa bari la yidhi

Goohaay waa la guuraya

Intaan geedi loo xidhxidhan

Intaan xero guul la noqon

Kacoo gadh wadeen noqoo

Dhaankii kaayihiisu galay

Maruun waajibkaaga gudo

******

Kuye mee Gaabanii

Goortaan heedadawga galo

Gadaashay joogay

Gujada igu toosin jiray.

******

Ninbaa geelii horweyn

Wuxuu goonkaw cunoo

Macawista u gaabsadaba

Jiilaalka wuxuu gubtoo

Gaajada suunkeed xidhaba

Gugii uu raagsadee

Allahii goor iyo ayaan

Gacmaha hoos dhigan jiree

I gaadhsii Allaw lahaa.

******

Markuu Gudgudihii da’ee

Gaawaha loo soo culee

Hashii ugu gaax badnayd

U gaal gaala markii la yidhi

Miyaa gando laysayoow

Intay wada gaagaxeen

Wax godlada la waa.

******

Aniguna waxaan gacal iyo xigaal

Geesigii jiraw Geeraar ku idhi

Ogoow Nabar gardiid Gobuun baa qaadatee

Libaaxuna nin ganay ilayn waa kii gartee

Wixii aad gashiyo waxaad goyn lahayd

Kuu garwaaqsadee goobtaa Abtoow

Sheekada ku goo


******

 

 

Axmed Cali-Mahdi
Sacuudi Areebia