50-Hablood Oo Wax Ka Barta Jaamacada ADMAS Qeybaheeda Kala Duduwan
Oo Loo Qabtay Kulan Lagaga Hadlayey Dhibaatada Gudniinka Fircooniga
Ahi Uu Ku Hayo Hablaha Da’yarta.
Hargeysa (TNN):-Shabakada Somaliland Youth Peer Education Network
(Y-PEER) oo kulan doodeed u qabatay 50- hablood oo wax ka barta
qeybaha kala duduwan ee Jaamacada ADAMAS,taas oo lagu Shalay qabtay
Huteelka Safaari Ee Magaalada Hargeysa.
Munaasibadii loo sameeyey kulankaas oo ahaa hal maalin ayaa waxa
lagaga dooday sidii hablaha d halinyarta ah loogu dhiirigelin lahaa
inay ka qeybqaataan la dagaalanka iyo joojinta gudniinka firco oniga
ee dhibaatada ku haya hablaha.
Isu-duwaha mashaariicda ee Shabakada Somaliland Youth Peer Education
Network (Y-PEER) Maxa med Mahad Dhamac oo halkaasi ka hadlay ayaa
waxa uu yidhi “Waxaan u mahad-celinayaa habla ha wax ka dhigta
Jaamacada ADMAS,si fiiican ee ay noo ajiibeen inay kulankan nagala
soo qeyb ga laan. Waxaanan kulankan aynu maanta isugu nimdi u
jeedadiisu waxay tahay sidii hablaha da’ayar ta ahi ula dagaalami
lahaayeen caadadan dhaqanka ee dhibaatada badan ku haysa hablaha oo
ah gudniinka fircooniga ah, haday tahay dhinac caafimaad iyo dhinac
dhaqaale”.
“Waxaan ugu baaqaya guud ahaan hablaha reer Somaliland meelkasta oo
ay joogaan, gaar ahaan kuwa aqoonta leh iyo inta nasiibka u heshay
kulankan maalinlaha ah inay ka wacyigeliyaan bulsha da dhibaatada uu
leeyahay gudniinka fircooniga ahi. Waxaanan leeyahay intiina
nasiibka u heshay kulankan inaad aqoonta aad ku barataan aad u
gudbisaan hablaha kale ee aan nasiibka helin kula nkan”. Ayuu yidhi
Maxamed Dhamac.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaan ddadka idiinka
soo xulanay waxa weeyaan aqoon ayaad leeyihiin, oo bulshada kaalin
laxaad leh ayaad kaga jirtaan, waxaanan ku kalsoonahay inaad wax
badan gudbin kartaan oo ay dadku wax idinka dhageysanayaan, waayo
waxaad tihiin hablo wax bartay oo aqoontii iyo kartidii ay dadka wax
ugu gudbinayeen leh, sidaa daradeed kaalin ta wax ku oolka ah ee aad
bulshada kaga jirtaan waa inaad doorkiina ka qaadataan”
Digtooreyso Naciima Cabdiraxmaan Buubaal oo ku takhasustay cudurada
haweenka oo wax ku soo baratay waddanka Jordan ayaa waxay hablaha ka
soo qeybgalay kulankan dooda casharo ka siis ay dhibaatada uu u
leeyahay hablaha, isla markaana waxay hablaha sharaxaad faahfaahsan
ka sii say dhibaatada uu sababo gudniinka fircooniga ahi sida dhiig
bax oo uu inta badan sababo
“Islaanta wax gudeysa wax aqoon ah uma laha halbowlayaasha iyo
xidida dhiiga qaada ee ka buuxa inanta yaryar oo ay dhacdo in la
jarjaro qaar ka mid ah, kadibna uu dhiig bax ku yimaado”.Ayey tidhi
Digtooreyso Naciima.
Dr Naciima waxay sheegtay dhibaatooyinka uu gudniinka fircooniga ahi
sababo waxa ka mid ah ay ey tidhi waxa uu inanta ku xidhma Kaadida
iyo Dhiigga Caadada, shoogga qaliinka, laxaw iyo hamba laaluq iyo
dhibaatooyin kale oo ay mid noqon karto madhaleysnimo.
Gebagebadii waxa kulankaasi la isla qaatay sidii hablaha aqoonta leh
ay kaalin laxaad leh uga qaad an lahaayeen la dagaalanka iyo
joojinta gudniinka fircooniga ah, isla markaana inay hablahani horm
ood ka noqdaan jiilka hooyooyinka berrito oo hablahooda ka fogeeya
dhibaatada gudniinka fircoo niga ah. Waxxaana maalgelisay hay’ada
United Nation Population Fund (UNFPA).
Waxay Shabakada Somaliland Youth Peer Education Network (Y-PEER)
kulan kan la mid ah u soo qabteen Hablaha wax ka barta Jaamacada
ADMAS UNIVERSITY ee Magaalada Hargeysa.
Dadka wax odorasa ayaa soo dhaweeyey kulamadan ay Shabakada
Somaliland Youth Peer Educati on Network (Y-PEER ay ka bilowday inay
hablaha aqoonta leh door laxaad leh ka qaataan sidii loo ga hortagi
lahaa dhibaatada uu leeyahay gudniinka fircooniga ahi,isla markaana
bulshada looga wacyigelin lahaa.
Ahmed Maxamed Shaqalle
|