42 Suldaan Oo Ku Dhawaaqey In Ay Dhex dhe xaadin Ka Gelayaan Khilaafka Siyaasiga Ah


Hargeysa (Longlivesomaliland News)-Laba iyo afartan xubnood oo isu gu jiray salaadiin, boqoro iyo Garaadada Somaliland, ayaa sheegay inay si rasmi ah u dhex gelayaan khilaafaadka siyaasadeed ee dalka.

Salaadiintaasi waxay sidaasi ku sheegeen bayaan ka kooban sadex  qod ob oo ay galabta ka soo saareen shir dhawrkii maalmood ee la soo  dhaa fay uga socday Magaalada Hargeysa.


Shirjaraa'd oo ay qabteen qoraal ay ka akhriyeen waxaa uu u dhignaa sidan:-



"Ka dib markii ay kulmeen salaadiinta, boqorada iyo Garaadada Somaliland kana hadleen xaalada dalka waxay go'aansadeen sadexdan qodob;


1)- Ugu horeyn salaadiinta, boqorada iyo garaadadu waxay go'aansadeen inay dhex galaan soona af-jaraan khilaafaadka dhinacyada is haya.


2)- Waxaanu u soo jeedinaynaa dhammaan dhinacyada siyaasada ee is haya in ay joojiyaan luuqada khalkhalka abuuraysa siina kordhinaysa muranka.

3)- Ugu dambayntii dhammaan bulshada Somaliland waxaanu u soo jeedinaynaa inay ilaashadaan nabadgelyadooda, kana feejignaadaan wax kasta oo wax u dhimaya."



Source: hormoodnews