3 Qof Oo Ku Dhintay Iska Horimaad Ka Dhacay
Magaalada Ceerigaabo

 


Ceerigaabo-(TNN)- Sedex qof ayaa galabta ku dhintay magaalda Ceerigaabo ee Xarunta Gob olka Sanaag, kadib markii dablay hubaysan oo ka soo jeeda beesha koonfurta Sanaag ay soo weerareen xubno ka mid ah gudidii xukuumadu u xilsaartay xal u helida shaqaaqooyinkii ka dh acay Magaalada Ceerigaabo ) oo la shirayay odayaal iyo waxgaradka beesha Dhulbahante ee Gobolka Sanaag.

Xubnaha gudida xukuumadu u xil saartay xalinta shaqaaqooyinka Gobolka Sanaag ee shirkaas lagu soo weeraray waxay kala ahaayeen Wasiirka Warfaafinta Mud. Axmed Cabdi Xaabsade iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Mud. Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) kuwaas oo ka soo jeed a Beelaha Dhulbante.

Sedexda qof ee falkan weerarka ah ku dhintay ayaa kala ahaa 2 askari oo ka tirsan ciidanka qaranka iyo gabadh rayid ah oo halkaas maraysay, waxa kale oo falkaasi ku dhaawacmay 4 askari oo ka tirsan ciidanka qaranka.

Ciidanka Qaranku waxay gacanta ku soo dhigeen 5 ka mid ah dablaydii falkan gaysatay.

Kooxdan weerarka soo qaaday ayaa ciidanka qaranka ka soo rasaasaynayay mudo 2 saac ka badan daaqadaha qaar ka mid ah guryo ku yaalay magaalada Ceerigaabo.

Wasiirka Arimaha Gudaha Mud. Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo hogaaminayay waftiga uu k usimaha madaxwaynaha Somaliland ahna Madaxwayne ku Xigeenka Mud. Cabdiraxmaan Saylici u magacaabay daminta iyo xal u helida shaqaaqooyinka gobolka Sanaag, ayaa galabta shir jar aa’id oo uu ku qabtay Magaalada Ceerigaabo ku sheegay in ciidamada qaranku ay dhirbaaxo kulul ku dhufan doonaan wax uu ku tilmaamay dadka nabad-diid ah ee carqaladaynaya amaan ka gobolka Sanaag.

Wasiirku waxa uu sheegay in aanay dhacdadani ka hor istaagi doonin sii ambo qaadka heshiisi inta iyo xalinta beelaha walaalaha ah.

 



Source: Somaliland.org