29 October oo loo Aqoonsaday Maalin Qaran

Golaha Wasiirrada, ayaa fadhi ay shalay yeesheen ku go’aamiyey in maalinta 29 October loo aqoonsaday maalin qaran oo shacbiga Somaliland ku xusuusan doono falalkii qaraxyada ismiidaaminta ahaa ee Arbacadii toddobaadkii hore kooxda argagixisada ahi ka fuliyeen caasimadda Hargeysa.

Kulankaas oo uu guddoomiyey Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, isla markaana ku qabsoomay xarunta Madaxtooyada oo dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey dhammaan xafiisyadu u xidhnaayeen burbur baaxad leh oo ka soo gaadhay qaraxii baabuurka loo adeegsaday ee lala beegsaday Arbacadii la soo dhaafay, haatanna uu ka socdo dhisme dib loogu hagaajinayo, ayaa waxa Golaha Wasiirradu dood kulul ka yeesheen falalkii argagixiso ee ka dhacay Somaliland, iyagoo gunaanadkii kulankoodana isku raacay in 29 October loo aqoonsado maalin qaran oo xusuus gaar ah iyo tixgelin ka mudan shacbiga Somaliland.

Warsaxaafadeed uu shalay soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Mr. Siciid Caddaani Mooge, waxa kale oo lagu sheegay in Guddiga Nabadgelyada Qaranku kulankaas ku soo bandhigeen wararkii u dambeeyey ee ku saabsan baadhista weerarradii argagixiso ee dalka ka dhacay.

Warsaxaafadeedka Afhayeenka Madaxtooyada oo uu ku faahfaahiyey waxyaabihii kulankaas lagaga hadlay iyo go’aamada ka soo baxay, waxa uu isagoo dhammaystiran u dhignaa sidan:

“Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland oo maanta [shalay] lagu qabtay xaruntii Madaxtooyada, ayaa la isku raacay in maalinta 29-kii October loo aqoonsado maalin qaran oo xasuus iyo tixgelin ka mudan ummadda reer Somaliland.

Shirka Golaha Wasiirada oo uu guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, goob-joogna ka ahaayeen Madaxweyne-ku-xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin iyo wasiiro badan oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, waxa si qoto dheer loogu qaadaa-dhigay dhacdadii foosha xumayd ee argagaxisadu ka fulisay saddex goobood oo ay ka mid tahay Madaxtooyada Somaliland, xarunta Ganacsiga ee Itoobiya iyo xafiiska laanta Qaramada Midoobay ee UNDP.

Madaxweynuhu isaga oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yidhi; “Arrintani waa dhacdo innagu cusub oo aan weli hore uga dhicin Jamhuuriyadda Somaliland, inkastoo kuwo taas la mid ah aynu ka hortagnay inay dalka ka dhacaan, sidaa daraadeed waxa lagama maarmaan ah in shacbiga Somaliland meel kasta oo ay joogaan ka gaashaantaan dhacdooyin kuwaas la mid ah in dalkeenna laga fuliyo, meelna looga soo wada jeesto nabadgelyada iyo xasilloonida dawlad iyo shacbiba.”

Waxa shirka lagu go’aamiyay in maalinta 29-ka October loo aqoonsado maalin qaran oo lagu xuso taariikhda dalka.

Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa kale oo uu shirka kaga dhawaaqay inuu ka noqday cafiskii uu hore u siiyay maxaabiistii u xidhnaa falalka argagaxisada ah, iyaga oo xukunkoodii hore siduu hore u ahaa loo fulin doono.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo hadal kooban ka jeediyay shirka, ayaa isaguna tilmaamay in nimanka dhacdadaas fuliyey ee argagaxisada aanay ahayn dad Muslim ah oo ka fog diinta, isla markaana waxa uu ka digay in ay marin habaabiyaan dhallinyarad reer Somaliland iyo faca soo koraya oo aanay ka dhaadhicin diin khaldan.

Waxa kale oo Guddida Nabadgelyada oo hadda gacanta ku haysa baadhistii dadkii dhacdadaas argagaxisada ah ka dambeeyay ay shirkaas ka sheegeen in meel fiican arrintu u marayso, raadkeediina hayaan, iyagoo sida ugu dhakhsaha badan ummadda u sheegi doona go’aamada baadhistaas ka soo baxda.

Gebogebadii waxa shirka Golaha Wasiirradu isku raaceen in la qaado waxa alla iyo wixii tallaabooyin ah ee ku habboon sidii loo xoojin lahaa nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland.”






Jamhuuriya Online