27 Arday oo Reer Somaliland ah oo Ka Qalin Jabisay Jaamacaddaha Suudaan

 


waxaa dhawaan lagu qabtay magaalada Khortoum ee xarunta dalkan Sudan xaflad ballaadhan oo loogu magac daray (xafladda Qalin jabinta ardeyda reer Somaliland ee wax ka barata Sudan).

Ardaydaasi qalin jabisay waxa halkaasi shahaadooyin lagu guddoonsiiyay ardeyda qalin jabisay oo ay tiradoodu ahayd 27 ardey.
Ardayda qalin jabisay waxa ugu badnaa kulliyadaha Barashada Computer-ka, Kulliyadda Saynika, Kulliyadda Caafimaadka , Kulliyadda Macalimiinta iyo kulliyadda Dhaqaalaha iyo siyaasadda .

Ardayda qalin jabisay ayaa guud ahaan la odhan karaa waxa ay u badnaayeen Jaamacadda weyn ee Africa, iyada oo ay jireen arday ka qalin jabisay jaamacadaha dawladda si
da jaamacadda Kharduum , jaamcadda Suudaan ,Niileyn,Qadaarif Iyo Shendi.

Xafladdan waxaa ka soo qayb galay wefdi heer sare ah iyo marti sharf aad u badan oo ay ka mid yihiin Dr Edna Aadan Ismaacil oo ah wasiirkii hore ee aarimaha dibada Somaliland iyo masuuliin kale oo reer Somaliland ah, iyo waliba Sarkaal Maxamad Barkhad Riyaale oo ka tirsan Qaramada Midoobay kana hawl gala magaalada Kharduum, sidoo kale waxaa xafladdan ka soo qayb galay arday badan oo isugu jirta Somali iyo Suudaan iyo Dhammaan qoysaska reer Somaliland ee deggan magaalo madaxda dalka suudaan.

Ugu danbayntii waxa halkaas shahaado sharaf iyo hambalyooyin lagu guddoonsiiyey ardayda qalin jabisay.



C/raxmaan Daahir Ibraahim

Khartoum
dahir39@hotmail.com