Dadka Somaliland ceeb ayey ku tahay inaynu xusi we yno maalintii aynu gobanimada qaadanay, oo aynu doorasho galno

 


Dadka Somaliland waxay adoonsigii iyo dulmigii gumeystihii Ingiriiska ka madax  banaa naadeen 26/6/1960, waana maalin qiimo iyo qaayo u leh. Sanadkan waxa ka soo  wa reegay kontan sano, waana in si weyn oo qaran loo xuso si dhalinyarada loo baro qi imaha taariikhigaa ee maalintani leedahay.

Waxa wax laga xumaadaa in guddiga doorashooyinka Somaliland maalinta  doorasha da ku beegeen 26ka juun. Guddiga doorashadu uma muuqdaan markay hadlayaan  da d aqoon leh, waxaana cad in dad shisheeye ahi dhabarka wax uga yeedhinayaan oo doonaya inay dareenkeena jacayl ee dalkeena uqabno dhaawacaan. Xabad oo kaliya layskuma dilo ee waxa ka xun dagaalka nafsigaa.

Dadka Somaliland gudo iyo dibadba waa inay ka dhiidhiyaan arintan la doonayo in  qii maha 26ka juun lagu bahdilo. Siyaasiyiinta Somaliland waxaad noqdoontaan dad laga maadsado oo garaad darran oo aan kala aqoon madaxbanaani iyo adoonsi.

 Doorashada waa in afar cisho ama dib loo dhigaa ama hore loo dhigaa.
 

 

 

 

Suhuur Nuur Ciise
Australia