21 Qoys Oo Caawa Hal Mar Aroos Wadareed Loogu Qabtay Hargeysa

Shirkada isgaadhsiinta ee TELESOM ayaa caawa madal la isku arkay 21 ka mid ah shaqaalaha shirkadaasi Aroos wadareed ugu qabatay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Xafladii loo sameeyay aroos wadareedkaasi waxa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdi-casiis Maxamed Samaale, Wasiiro Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo wakiilada, Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac [Gaariye], Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa, Culimo iyo dadweyne kale oo lagu soo marti qaaday.

Masuuliyiinta shirkada TELESOM waxay sheegeen in ay 21-ka Qoys ay midkiiba siiyeen 2 kun oo Dollar, oo ay ku dhigteen agabka Guriga ee kala duwan, waxaanay sheegeen inay arrintan u sameeyeen sidii ay dhiiri gelin ugu samayn lahaayeen Hawl-wadeenadooda oo ay u dhisi lahaayeen Qoysas muslim ah.

Masuuliyiinta shirkadaasi waxay Dhambaalo Hambalyo iyo Duco isugu jiray u direen 21 kan Qoys oo ay xuseen inay khayr u rajeynayaan.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Casiis Maxamed Samaale, Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf [C/Waraabe] oo ka tirsan Golaha Guurtida iyo culimadii xafladaasi ka hadashay waxay shirkadaa ku ammaaneen tallaabadaasi ay qaaday oo ay ku sifeeyen mid horumar ah, isla markaana ku dayasho mudan.

Waxaanay shirkadaha kale ugu baaqeen in ay tallaabadan oo kale qaadaan si ay u dhiiri geliyaan shaqaalaha una dhisaan qoysas mujtamaca Somaliland ku soo kordha.

Waa Xafladii koowaad ee nooceeda ah ee lagu qabto magaalada Hargeysa ee ay shirkadi shaqaalaheeda ku dhiiri-geliso.
 




Ramaasnews